Hadhimo Sharafeed Loo Sameeyay Xubno Metelayay Qaarka mid ah Hay’adaha Firfircoon ee Samafalka ee Qurbajoogga Somaliland + Shahaadooyin Lagu Maamusay

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL oo ay weheliyaan qaarka mid ah hawlwadeenada Hay’adda, ayaa hadhimo sharafeed ugu sameeyay xubno ka mid ah gudiyada iyo mutadawaciinta Ururada samafalka ee ka hawlgala Somaliland ee dadka Qurbajoogga ahi hoggaamiyaan oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Camuud Foundation, Gaaroodi Sisters, SBS,  Haygabin  iyo masuuliyiinta ururo kale oo Qurbajoog ah. Guddoomiyaha Hay’dda Qurbajoogga Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo ugu horrayn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeedada kulanku yahay in loo mahad celiyo, la xuso, la dhiirrigeliyo, isla markaana dhexdeeda iskaashi iyo wada shaqayn laga abuuro xubnaha iyo ururada samafalka iyo horumarineed ee dadka Qurbajoogga ahi sameeyeen, isla markaana ay Qurbajooggu ka taageeraan waxka qabashada baahiyaha faraha badan ee bulshada hadba inta ay ka awoodaan. “Anigoo aad iyo aad idiinka mahad celinayaa inaad soo ajiibteen martiqaadkayagii, waxa aan isugu nimi kulankan inaanu Hay’ad ahaan idiin ka mahad celinno waxqabadka iyo dadaalka joogtada ah ee aad ka gaysanayaan baahiyaha bulshadeenna ee mid waxbarasho, mid caafimaad, mid adeeg iyo noocyada kaleba leh oo gaar ahaan ururadiinna maanta halkan jooga gaar ahaan Camuud, iyo Hablaha Gaaroodi oo runtii mashaariic waxku ool ah ka hirgeliyay dalka, waxtar badanna dalka u wada oo weli heegan ugu jira.   Waxa aan sidoo kale bogaadinayaa doorka ururada Haygabin ee carruurta baahiyaha gaarka ah qaba, ururka SBS, iyo ururka ISRAAC ee Jaalliyadda Sheffield.” Waxa dhinaca kale ka hadlay kulanka Guddoomiyaha Ururka Hablaha Gaaroodi, Marwo Sahra Biixi Coomay, Guddoomiye-xigeenka Ururka Camuud Foundation, Mudane Axmed Cabdi Ismaaciil, Guddoomiyaha Ururka SBS, Marwo Saado Cabdi Wayd, Guddoomiyaha Ururka HAYGABIN Marwo Yaasmiin Cabdiraxmaan Xaaji Nuur, iyo Guddoomiyaha Ururka ISRAAC Community, Mudane Aden Axmed Yuusuf, iyo xubno kale oo Qurbajoog oo Jaalliyadaha wadamo kala duwan ka socday. Waxa ay dhammaan Guddoomiyayaasha iyo Wakiillada ka socday Hay’adahaas Samafalka iyo Horumarinta ee Qurbajooggu ka warbixiyeen taariikhda aas’aaska ururadooda, waxyaabaha u qabsoomay illaa hadda iyo mashaariicda ay immika gacanta ku hayaan, soona dhaweeyay kulanka ay isugu yimaadeen, is barashada, iyo wada shaqaynta dhexdooda iyo Hay’adda Qurbajooggaba. Gebogebadii kulanka, Hay’adda Qurbajooggu waxa ay shahaado sharaf abaalmarineed guddoon siisay Ururka Hablaha Gaaroodi oo Guddoomiyaha ururkaas, Sahra Biixi Coomay u guddoontay.



Leave a Reply