Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo Hambalyo u diray Taliyayaasha Cusub Ee ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa uu hambalyo u diray Taliyayaasha cusub ee uu maanta 5 nov, 2019 madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland u magacaabay ciidamada booliska Somaliland,

War-saxaafadeedkan hambalyada ah ee ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga JSL oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayax-weerar) ayaa u dhignaa sidan:

“waxaan hambalyo u dirayaa taliyaha cusub ee ciidanka booliska Jamhuuriyada Soomaliland  Sareeye guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud iyo taliye ku xigeenka koowaad ee ciidanka booliska jamhuuriyada Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire Faarax, waxaan u rajaynayaa in xilka ay u qaadeen ciidanka Booliska Somaliland iyo dhamaan qaranka JSL allaah  ku asturo kana dhigo kuwii ku maamula ciidanka booliska Somaliland sinaan iyo cadaalad.



Leave a Reply