WARAYSI: DANJIRE XUSEEN MAXAMED CALI ABYAN (WADAADYARE)

Majaladda Qurbajoog waxa ay cadadkeedan 7aad ee 2019 ku soo qaadatay waraysi ay la yeelatay Wakiil-ku-xigeenka, ahna Xoghayaha Koowaad iyo Madaxa Arrimaha Bulshada ee Safaaradda Somaliland ku leedahay Sweden, sidoo kalena ah Xubin Golaha Deegaanka Jonkoping ee Sweden, iyo Gudida Jaalliyadda ee Magaaladaasba. Xuseen Wadaadyare oo ka mid ahaa xubnaha fifircoon (Mutadawaciinta) Jaalliyadaha Somaliland ee ay Hay’adda Qurbajooggu guddoonsiisay Shahaadooyinka Abaalmarineed ee lagu aqoonsaday kaalinta ay Jaalliyadaha ku dhex leeyihiin iyo waxqabadka ay u soo taraan dalkooda JSL 2018kii, wa uu muddo dheer ka shaqeeyaa inuu qalab caafimaad iyo deeqo mucaawinayoon kala duwan ka soo ururiyo dalka Sweden oo uu soo gaadhsiiyo qaarka mid ah xarumaha bixiya adeegyada bulshada ee muhiimka ah gaar ahaan xagga caafimaadka dalka Somaliland.

SU’AAL1: Xuseen Wadaadyare, ugu horrayn sharrax ikooban naga sii taariikhdaada waxbarasho, xirfadaada shaqo, xilliga aad tagtay dalka Sweden, iyo doorka aad bulshada jaalliyadda ku leedahay?

JAWAAB: Waxa aan ka baxay dugsigii sare ee Sheekh sannadkii 1982kii, kadibna waxan galay Kulliyaddii Ciidamada ee Jaalle Siyaad oo aan dhamaystay sannadkii 1985kii. Waxa aan hadana galay Machadkii SIDAM oo aan ka bartay maamulka iyo maaraynta oo aan dhamaystay sannadkii 1987kii.

Waxa aan markaas kadib ku biiray Ciidankii Asluubta ee Somalia barigaas. Waxa aan soo galay dalkan Sweden sannadkii 1990kii, waxanan ku qaatay waxbarasho xagga farsamada la xidhiidha. Illaa mudadaas dheer ee aan joogay dalkan, waxa aan wakhtigayga u badan gelinayay shaqadan arrimaha bulshada iyo xidhiidhka wadankeenna Somaliland.

Waxa aan ka mid ahaa aas’aasayaashii ururkii Somaliland Nordic Relief sannadkii 1997kii oo aan u samaynay si aan dalka wax ugu tarro. Waxa Xoghaye ka ahaa Ururkii Somaliland Forum ee guud. Waxa aan soo qabtay Xoghayaha Jaalliyadda Guud ee Sweden 2012kii illaa 2018kii. Waxa aan muddo dheer xubin ka ahay Gudida Jaalliyadda Somaliland ee Jonkoping, immikan aan Guddoomiyo.

SU’AAL2: Sida aannu ka warqabno, waxa aad si joogta ah u keentaa dalka koontaynaro qalab caafimaad, waxbarasho iyo noocyo kale qalab isugu jira oo aad ka soo ururiso dalka Sweden, hawshan illaa goorma ayaad wadday, maxaase kugu dhiirrigeliyay?

JAWAAB: Waxa igu dhiirigeliyay waxa aan ahay qof markayga horeba jecel ama u samaysan mutadawacnimada iyo inuu ka shaqeeyo arrimaha bulshada oo xataa markaan ahaa Sarkaalka ee aan ka tirsanaa Ciidamadii Asluubta wakhtigii Xamar, waxa aan u ololayn jiray ama ka shaqayn jiray arriaha bulshada. Waxa igu dhiirrigeliyay inaan ka qaybqaato dib u dhiskii dalkeenna markii dib loogu soo noqday isagoo burbursan. Koontaynarkii u horreeyay ee deeq qalab caafimaad ah waxa aan keenay dalka gaar ahaan Dhakhtarka Burco 1997-kii anigoo markaas xubin ka ahaa ama ku jiay urur la odhan jiray Somaliland North Relief. Waxa innoogu deeqday dawladda Sweden, lacagta noolkana waxa bixiyay xubnaha Jaalliyadda ee Sweden.

Illaa wakhtigaas illaa maanta 2019 hawshaas waan wadaa, waxanan rajaynayaa inaan intaas ka sii badaninno hadii Alle yidhaaho sannadba sannadka ka dambeeya

Kursigii iyo miiskii ugu horreeyay aniga ayaa dhigay markii la furay Jaamacadda Hargeysa 2000kii oo waxa aannu ugu soo deeqnay qalab dhammaa 600 kursi iyo 400 miis oo aannu soo saarray dushiisa baabuur xamuul ah oo uu nin muwaadin ahi kala soo degay dalka Sweden.

SU’AAL2: Sida aannu ka warqabno, waxa aad si joogta ah u keentaa dalka koontaynaro qalab caafimaad, waxbarasho iyo noocyo kale qalab isugu jira oo aad ka soo ururiso dalka Sweden, hawshan illaa goorma ayaad wadday, maxaase kugu dhiirrigeliyay?

JAWAAB: Waxa igu dhiirigeliyay waxa aan ahay qof markayga horeba jecel ama u samaysan mutadawacnimada iyo inuu ka shaqeeyo arrimaha bulshada oo xataa markaan ahaa Sarkaalka ee aan ka tirsanaa Ciidamadii Asluubta wakhtigii Xamar, waxa aan u ololayn jiray ama ka shaqayn jiray arriaha bulshada. Waxa igu dhiirrigeliyay inaan ka qaybqaato dib u dhiskii dalkeenna markii dib loogu soo noqday isagoo burbursan. Koontaynarkii u horreeyay ee deeq qalab caafimaad ah waxa aan keenay dalka gaar ahaan Dhakhtarka Burco 1997-kii anigoo markaas xubin ka ahaa ama ku jiay urur la odhan jiray Somaliland Nordic Relief. Waxa innoogu deeqday dawladda Sweden, lacagta noolkana waxa bixiyay xubnaha Jaalliyadda ee Sweden.

Illaa wakhtigaas illaa maanta 2019 hawshaas waan wadaa, waxanan rajaynayaa inaan intaas ka sii badaninno hadii Alle yidhaaho sannadba sannadka ka dambeeya

Kursigii iyo miiskii ugu horreeyay aniga ayaa dhigay markii la furay Jaamacadda Hargeysa 2000kii oo waxa aannu ugu soo deeqnay qalab dhammaa 600 kursi iyo 400 miis oo aannu soo saarray dushiisa baabuur xamuul ah oo uu nin muwaadin ahi kala soo degay dalka Sweden.

SU’AAL3: Maxaad ka xasuustaa xadiga mucaawino noocan ah ee aad adiga iyo xubnaha Jaalliyadda ama dhinacyada kale ee aad iska kaashateen uga soo ururiseen Somaliland  Dalka Sweden iyo dhinacyada ama meelaha aad soo gaadhsiiseen ee la siiyay illaa wakhtigaas haddaad soo koobto?

JAWAAB: Runtii way badnaayeen, sannad walbana waannu keennaa dalka laakiin waxa aan ka xasuusan karaa immika haddaad iwaydiisay:-

Wakhtigaas hore ee Burco aan u keennay koontaynarka sagashanaadkii, waxa kale oo aan koontaynar isna qalab ah gaar ahaan baaskiiladaha dadka naafada ah lagu riixo ama ay ku socdaan u keennay Jimciyadda Sooyaal oo barigaas waxa guddoomiye ka ahaa Siciid Shukri oo wuxu u qaybiyay qalabkaas dhammaan dalka illaa laascaanood iyo Ceerigaabo.

 Sannadkii 1998kii, waxa aan usoo ururinnay hal koontaynar Cusbitalka Hargeysa, waxana naga soo qaaday Maayarkii markaas ee Cabdiraxmaan Cadami, cusbitaalkana waxa haystay oo uu ku wareejiyay Dhakhtar Aw Koombe. Waxa ku xigay qalabkaas waxbarasho ee aan u keennay aas’aaskii Jaamacadda Hargeysa sannadkii 2000.

                                               

SU’AAL4: intii ka dambaysay 2000, maxaad Koontaynaro qalab caafimaad ah ama noocyo kaleba ah uga soo ururiseen Somaliland dalka Sweden inta aad ka xasuusato?

 JAWAAB:  Dee waa muddo dheer, waxbadan oo koontaynaro qalab caafimaad oo weliba wada afartan fuudh ah ayaan soo gaadhsiinnay dalka, waxana ka mid ahaa inta aan ka xasuusto:-

 

2012kii, Koontaynar qalab caafimaad ah oo la siiyay Cisbitaalka weyn ee Hargeysa;

2014kii, Koontaynar qalab caaimaad oo mashiinno iyo sariiraba ku jiraan oo la siiyay Cisbitaalka

Burco iyo Oodweyne loo qaybiyay ;

2014tii, Koontaynar qalab caafimaad gaar ahaan qalabka shaybaadhadu ku jiraan iyo mashiinno

kaleba oo la siiyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Golis;

2015kii, Koontaynar qalab caafimaad ah oo la siiyay Cisbitaalka weyn ee Berbera;

2016kii, Laba Koontaynar oo qalab caafimaad ah oo la siiyay Cisbitaallada Laascaanoodiyo

Buuhoodle;

2016kii, Laba Koontaynar qalab caafimaad ah oo la siiyay Dhakhtarka Gargaar ee Hargeysa;

2007kii, Koontaynar qalab caafimaad iyo sariiro la siiyay Dhakhtarka weyn ee Hargeysa;

2017ki,  Koontaynar qalab caafimaad ah oo la siiyay Cisbitaalka Gabilay iyo Wajaale;

2017kii, Koontaynar qalab caafimaad ah la siiyay ATU/Daryeel Hospital;

2018kii, Koontaynar qalab caafimaad ah oo la siiyay Fiqi Ayuub iyo Wiriir;

2018kii, Koontaynar qalab caafimaad ah oo loo qaybiyay xarumaha caafimaadka ee

degmooyinka Sheekh Abdaal, Xumboweyne, Bullaxaar, iyo Allaybaday.

 

Waxa intaa dheer sannadkan 2019ka ee aan ku jirro qalab xaddi badan ayaannu uga soo ururinnay Somaliland dalkan Sweden oo badankooda la gaadhsiiyay goobihii looga baahnaa, qaar badanina wadada ku soo jiraan, qaar badan oo kalena qorshaha dhaw ee aakhirka sannadkan ama horraanta 2010 aan ku rajo weynahay inay iyana daka soo gaadhaan haddii Alle yidhaaho.

Waxa ka mid ah qalabka caafimaad ee aannu sannadkan 2019 usoo dirray dalka: Laba Koontaynar qalab caafimaad ah oo aannu u keennay Cisbitaalka Adal Medical Hospital ee magaalada Borama, hal kontaynar qalab caafimaad ah oo loo geeyay xarumaha caafimaadka Qorilugud iyo Lafaruug, hal koontaynar oo loo diray Cisbitaalka Ceerigaabo, iyo laba koontaynar aannu usoo dirnay  jaamacadda FrantzFanon ee Hargeysa.

SU’AAL5:  Xuseen Wadaadyare, waxa aad sheegtay deeq badan oo gargaar qalab caafimaad ah oo aad dalka ku soo tartaan sannad walba muddo dheer, markaa maadaama aad adigu hawshan si gaar ah isugu xilsaartay ama uga shaqayso, bal nooga warran xageed ka keentaa qalabkan ama aad ka soo ururisaa? Yaase kaala shaqeeya? Waa maxay doorka ay xubnaha Jaalliyaddu ka qaataan shaqadan muhiimka ah?

JAWAAB:  Waa su’aal fiican. Horta aniga Xuseen ahaan waxa ay ii aqoonsadeen Sweden ninka kaliya ee dadka Afsoomaaliga ku hadla lagu aamini karo deeqaha qalabka caafimaad ama waxbarasho ama waxkaleba ee noocan ah oo ah qalabka duugga ah oo muddo aad u yar la isticmaalay, tayana leh. Waxa aan anigu uga masuul ahay wax allaale wixii soomaali ah shaqada noocan ah, waxanan ku kasbaday taas daacadnimada iyo sida aan ula shaqeeyay xarumaha bixiya qalabka ayay dee ogaadeen oo ay hubaan.

Waxa aan ka soo ururiya oo innoogu deeqa dhammaan xarumaha caafimaadka ama cisbitaallada ee magaalooyinka Sweden, dugsiyada qaarkood, iyo goobo adeeg kaleba, waanay ila soo xidhiidhaan sannad walba marka ay bedelayaan ee ay doonayaan inay cid ugu deeqaan dunida seddexaad. Waxa igala shaqeeyaa Jaalliyaddeenna, xubnaha firfircoon, gudiyada iyo Xafiiskeenuba waannu ka wada shaqaynaa.

Waxa jirta Hay’ad Swiidhish ah oo la yidhaaho “Human Bridge” oo iyadu qaabilsan qorshaynta iyo qoondaynta bixinta qalabkan duugga ah ee ay iska bedelaan oo waxay siiyaan wadamada dunida sedexaad ee faqiirka ah sida dalalka Afrika, Eeshiya, iyo Laatiin Ameerikaba. Hay’addaas anigu waxa aan ka ahay Xubin Sharaf oo shahaado wada shaqayneed oo ay igu aqoonsan yihiin ayaan ka haystaa. Hay’addaas ayaa sannad walba iyo markasta oo ay jirto fursad noocan ahi ila soo xidhiidha oo aan wada shaqaynaa.

Xubnaha Jaalliyaddu waxa ay ka qaybqaataan ururinta kharashka noolka marka aanay jirin cid kale oo taas bixinaysaa, waanay jirtaa in mararka qaarkood deegaanka aan ugu talo gallay in la geeyaa uu dhiirrigeliyo inay xubnaha jaalliyadda ee deegaankaas ka soo jeedaa iyagu aloosaan qaadhaan ururinta noolka qalabka balse waa laga wada shaqeeyaa Jaalliyadda guud ahaan.

Waxa aan u mahad celinayaa guud ahaan Jaalliyadda guud ee Somaliland ee Sweden, iyo Xafiiska Somaliland ee aan ka tirsanahay, Hay’adda Qurbajoogga, Hay’adda Human Bridge, dhammaan xarumaha iyo dhinacyada innoogu deeqa qalabkan, iyo guud ahaan dawladda dalka  Sweden ee sida joogtada ah mudadaas innoo fidisa gargaarkan iyo waxyaabo kaleba.

SU’AAL6: Waa intee noolka kontaynarka 20ft ahi ama 40ft ahiba, yaana bixiya kharashkaas? 

 JAWAAB: Noolka Koontaynarka 20ft waa $5,000 illaa $6,000, Koontaynarka 40ft ka ahina waa $9,000 illaa $10,000 noolkodu Sweden illaa Berbera. Marka aan usoo dirayno goobaha ama xarumaha adeegyaa dawladdu maamusho, marmar mooyaane, waxa bixisa Jaalliyadda oo qaadhaan iska dhex ururiya. Marka aan usoo dirayno cid madaxbannaana ama meel gaar loo leeyahay, cidaas loo soo dirayo ayaa iska bixisa kharashka noolka.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo wuxu naga bixiyay noolka laba koontaynar, Madaxweynaha immika xilka haya ee Muuse Biixi Cabdina wuxu sannadkan bixiyay noolka hal koontaynar oo 40ft ah oo Ceerigaabo loo diray. Jaamacadaha Golis, Franfs fanon, iyo Gargaar Hospital ba iyaga ayaa iska bixiyay noolka qalabka loogu soo deeqay.

SU’AAL7: Lacagta lagu soo noolyaa sidaa aad sheegtay waa lacag badan oo noolku waa qaali, markaa sideed u qiimaysaan in qiimaha noolka uu Koontaynarku ku gaadho Somaliland yahay mid u qalma nooca qalabkan duugga ah ee ku jira? Waa maxayse noocyada qalabkan caafimaad ee aad dalka keentaan?

JAWAAB: Ugu horrayn waxan eegnaa liiska iyo faahfaahinta noocyada qalabka ku jira Koontaynarka, waxanan kuu sheegayaa inay midkasta oo aannu dalka keennay qalabka caafimaad ee ku jiray ee mashiinnada kala duwan leh iyo noocyada kaleba uu toban jir ka qiimo badan yahay ama qaalisan yahay lacagta noolka ee ku baxda. Mana ah qalab gaboobay ee inta badan sannad iyo laba ayay iska bedelaan waayo waa wadan warshado leh oo qalabkan ay iska bedelayaan badankiisa ama dhammaantiiba soo saara, isla markaana si joogta ah u casri uga dhigaya noockastaba qalabka oo sannad walba waxka bedelaya. Markaa horta maadaama ay yihiin wadan dhaqaale leh oo horumaray si joogta ah ayay xarumahoodu iskaga bedelaan qalabka ay ku shaqaynayaan gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashadaba, dhinaca kalena dee ma doonayaan inay warshaduhu xidhmaan oo wax iska dabiici ah oo lagu xisaabtamo inay qalabka lagu shaqaynayo iska bedelaan si ay horumar u sameeyaan, adeega u tayeeyaan, waxsoosaarkana u kordhiyaan.  Shaqo laanta

Noocyada qalabku way kala duwan yihiin waxana ka mid ah sidaad aragten ee aan liisaskooda Xafiiska Qurbajoogga usoo dirro mashiinno aad u fiican oo xagga baadhitaanka caafimaadka loo baahan yahay sida “Ultra sounds” ee shaybaadhka lagu sameeyo ama xanuunada lagu ogaanayo, waxa ka mid ah qalab lagaga shaqeeyo qalliinada oo sariiro, miisas, laydhadh iyo noocyo kaleba leh, waxa ka mid ah qalabka lagu riixo qofka buka ama la qalay iyo noocyo badan oo kale oo aad loogu baahan yahay dalkeenna. Noocyo badan oo ku jira liiska baahiyaha mudnaanta leh ee Hay’adda Qurbajooggu Jaalliyadaha u dirto ayaa ka mid ah qalabkan.

SU’AAL7: Maxaa sannadkan ama xilliga dhaw qorshaha idiin ku jira ama aad gacantaba ku haysaan ee deeqo qalab caafimaad noocan ah oo aad usoo diraysaan Somaliland?

JAWAAB: Inkastoo sannadkani dhammaad yahay immika, hadana way jiraan hawlo aannu gacanta ku haynaa, waxa qorshaha noogu jira koontaynaro qalab caafimaad ah inaan soo gaadhsiinno cisbtaallo ku yaalla Borama, xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Balligubadle, iyo Arabsiyo. Waxa kale oo aannu ka shaqaynaynaa seddex Koontaynar oo aannu kuu soo hagaajin doonno Hay’adda Qurbajoogga oo iyaga gaar ahaan aannu ugu talo gallay in lagu taageero nabadda Ceel Afweyn, iyo laba Koontaynar oo ay ku wareejin doonaan Cisbitaalka Millatariga ee Jiidda Bariga Somaliland marka uu soo gaadho.

Waxa kale oo qorshaha noogu jirta xilliga dhaw iyo wakhtiga fogba inaan qalab wixii  loo soo heli karo ku soo taageerno Mashruuca “Rajo Gelinta Naafada Somaliland ee Doorka Qurbajoogga” kaasoo ay Hay’adda Qurbajooggu noogu baaqday inaanu usoo ururinno qalabka waxbarashada iyo adeega kaleba  bulshada baahiyaha gaarka leh ee dadka araga naafada ka ah, dadka maqalka naafada ka ah, iyo carruurta leh xanuunka Autism-kaba ee Somaliland. Mashruucaas aad baannu usoo taageeraynaa haddii Alle yidhaaho.

Waxa aan rajaynayaa inay soo baxaan aakhirka sannadkan ama horraanta sannadka dambe 2020 haddii Alle yidhaaho, aad baannu ugu rajo weynahay.

SU’AAL8: Xuseen Wadaadyare, Marka ay tusaale ahaan Jaamacadda Golis iyo Dhakhtarka Gargaar oo iyagu xarumo gaar loo leeyahay oo dakhli badani soo galo ah aad leedahay noolka ayay iska bixiyaan oo waan u dirray deeqdan, miyaanay taasi ka dhignayn in kuwii awoodayay inay qalab cusub usoo iibsadaan xarumahooda ay ku cidhiidhyayaan xarumaha dawladda ee adeega bilaashka ah u fidiya bulshada, misna intooda badan ka arradan qalabka muhiimka ah oo deeqaha qalabkan duugga ahi wax weyn u tari lahaa?

Xarumahan gaarka loo leeyahay  laftooda waxa ku dhex jira samafal oo way  qabtaan adeegyo samafal ah marar badan. Dhakhtaradani waxay leeyihiin dad ehel ah, qaraabo iyo asxaaba oo baahan, oo waxay sameeyaan qalliinno bilaash ah iyo daawayn bilaash oo waxay ka qaybqaataan hawlo badan oo samafal ah oo dadka jilicsan qaarkood loo fidiyo. Cidkasta  oo lagu daweeyo Gargaar maaha ama kama dhigna in lagu daweeyay lacag qaali ah. Jaamacadaha laftooduna waa la mid ah oo Jaamacadda Golis tusaale iyo FrantzFanon ba arday badan oo danyar ah ayaa waxka barta oo aan la xisaabin.

Waxa weeye innagu Qurbajoog iyo Qaranjoog ba waxaynu nahay dad isku tiirsan oo is caawiya oo aan ahayn sida dadka wadamada kale ee inanka iyo aabbihii kala tageen. Markaa kolba shilinka qof hayo ayaa la wada cunaa, waxaynu nahay bulsho isu baahan mar walba oo dhaqan u leh inay is taageeraan oo is kaashadaan.

SU’AAL9:  Marka aad shaqadan arrimaha bulshada ee muhiimka ah ku hawlan tahay, waa maxay caqabadaha aad inta badan la kulantaa ama kaa hor yimaadaa?

Caqabada ugu weyn ee aan la kulmaa waa dadka qaarkood oo anigoo hawlaha baaxaddaas leh u wada dalka iyo dadkeenna igu yidhaaha wuu iibsanayaa qalabka taasoo marmarka igu dhalisa inaan ka fikiro inaan iska joojiyo shaqadaasba. Hadana maka aan dalka imaado ee aan arko qalabkii hore aan usoo dirray sida looga faa’iiday iyo sida ay dadkayaga iyo dawladayaduba noogu mahad celinayaan ayaan ku illaawaa dadka maan gaabka ahi waxa ay meelahaas ka leeyihiin.

SU’AAL10: Suurtagal ma tahay in marka la idiin fududeeyo bixinta kharashka noolka, aan ka heli karro qalab intan ka sii badan dalka Sweden oo aad soo ururin kartaan?

Haa aad iyo aad, waxa aan gaadhsiin karraa illaa 20 Koontaynar oo 40ft u badan sannadkii marka loo helayo noolka ku baxaya. Waxa aan ku faraxsanahay in Hay’adda Qurbajoogga oo si fiican noola shaqaysay illaa intii uu Guddoomiyaha ka ahaa Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo waxbadan nala fududeeyay ay diyaar u tahay xal u helidda arrintaas, iyo xidhiidhka ay naga dhex abuurayso dhinacyada kale si aan u wada shaqayno oo iskaashi u samayno.

Dalka Ethiopia waxa uu sannadkii ka helaa dalka Sweden inka badan 140 Koontaynar oo qalabka caafimaadka ee noocan ah, waxana bixisa noolkiisa Wasaaradooda Caafimaadka.

SU’AAL11: Ka warran ma ogaataan ama sideed u aragtaan sida looga faa’iidaysto qalabka aad ugu soo deeqdaan xarumaha caafimaadka bulshada ee Somaliland marka aad dalka timaadaan?

Runtii meelaha la geeyay iyo cidda la siiyay qalabkan waa inay ilaashadaan, ka faa’iidaystaan kana soo warbixiyaan oo waa muhiim in la ogaado qalabkii lagu deeqay in laga faa’iidaystay iyo inuu noqday uun wax iska dayacmay oo iskaraabkii hore uun ku biiray. Wasaaradda Caafimaadka ayay shaqadeeda tahay inay qiimayn ku samayso qalabkii iyo meelihii la geeyay sida looga isticmaalay. Hay’adda Qurbajoogga lafteedana waan uga baahannahay inay warbixin nooga keento.

Waxa aan jecelahay inaan waraysigan uga faa’iidaysto in Hay’addan Hantidhawrka lafteeda aanay noqon uun mid daba orodda lacagta ee ay hantida lafteeda daba gasho iyo sida loo isticmaalay iyo xaaladdu ku dambeeyay qalabkan la bixiyay waayo waxa loo sameeyaa cashuur dhaaf illaa heer madaxweyne ah, waxana ku soo tabcay Qurbajoog oo tamar iyo lacagiba ka gashay. Markaa Hantidhawrku waa inuu taas xagga hantida innoogu yimaada deeqaha ee qalabkani ku jiro ay dabagal ku sameeyaan ayaa looga baahan yahay.

Markaan dalka imaado dee ma tagi karo meelihii la geeyay oo dhan, waana xil annaga naga wareegay oo cid baa lagu wareejiyay laakiin way dhacdaa oo marar kala duwan waan arkay meelo ka faa’iidaysan kari waayay xagga aqoonta awgeed. Markaa waxa loo baahan yahay in xarumaha caafimaadka laga helo dad aqoon u hel isicmaalka iyo ku shaqaynta qalabka muhiimka ah ee caafimaadka, sidoo kalena, waa inay xarumuhu ilaashadaan oo daryeelaan qalabka xagga nadaafadda oo aanu dhasaysan si aan cilladi ugu iman. Xataa waxa jira mashiinada qaarkood oo xagga cimilada loo eegayo.

SU’AAL12:  Waxa jira inay marar dhacdo in xubno Qurbajoog ah oo qalabkan caafimaad ama nooc kaleba ah ay si bulsho iyo ujeeddo dan bulsho ku soo heleen,  ujeeddo dan gaar ahaaneed ama shakhsi oo tusaale ganacsi u leexsaday, markaa taasoo kale sidee looga hortagi karaa? 

JAWAAB: Waa wax dhacda waanay jiraan shakhsiyaad noocaas ah oo intay xataa Wasaaradaha yimaadaan waraaqo taageerid ah ka samaysta si ay ugu fududaato inay qalabka soo ururiyaan  oo lagu soo aamino marka dambena si kale u isticmaala oo hadday doonaan ganacsatada ka iibiya. Dadka nooca ahi waa qaar aan xilkas ahayn, isla markaana dadaalka dadka iyagu daacadda ka ah hawshan ee dalkooda si mutadawaca ah ugu shaqaynaya.

Markaa sida looga hortagi karaa waa mid aad u fudud kaliya waxa weeye in la saxo oo la ilaaliyo nidaamka wada shaqaynta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda dhexdooda. Waxa weeye, marka ay dadkaasi tagayaan Wasaaradaha iyo Xarumaha kaleba ee ay arrimahan kala hadlayaan waa in lagu celiyo Hay’adda Qurbajoogga ee iyadu u xilsaaran xidhiidhka Jaalliyadaha inay waraaq ogolaansha ah ka soo qaataan. Markaa Hay’adda Qurbajooggu iyadaa kala garanaysa kuwa daacadda ah iyo kuwa beenta sheegaya oo waayo xidhiidh la leh Jaalliyadihii iyo Gudiyadii, iyo Mutadawaciintii iyo Ururadii la xidhiidhi karta. Waar warqad ayaa ka maarmi wayday in la tasdiiqiyo si loo hubiyo inay sax tahay ee bal ka warran qof dhan oo adiga oo aan garanayn wax kuu sheeganaya oo doonaya inaad waraaqo u samayso si uu magaca Somaliland wax ugu raadiyo. Miyaanay ahayn inay Wasaaradu markaa iska hubiyaan oo u diraan Hay’adda Qurbajoogga inay caddaymo ka soo qaataan si loo xaqiijiyo inay dad la rumaysan karo oo daacad ah yihiin iyo in kale. Markaa nidaamka wada shaqaynta dawladda oo la saxo ayuun bay taasi u baahan tahay ee waxkaleba maaha.

SU’AAL13: Maxaad u aragtaa dhibaatooyinka ugu waaweyn ama caqabadaha ah ee Qurbajooggu xilligan waajahayaan gaar ahaan xagga arrimaha bulshada? Maxaa sabab u ah in carruurtii qurbaha ku dhalatay gaar ahaan wiilashu ay nolosha ka dhacaan, danbiyo galaan oo ay xabsiyada ku jiraan? Waa maxayse sababta ay habluhu ama dumarku aad uga hormareen innamada xagga waxbarashada, shaqada iyo horumarka nolosha?

JAWAAB: Waxa jira muskhilado xagga qoyska ah iyo “Family problems” oo furriinka ayaa ku badan oo marka ay kala tagaan labadii waalid, carruurti labadaas dhexdooda ayay ku dhimanayaan. Kala tagga iyo khilaafka qoysku labada dhinacba wuu ka imanayaa laakiin ragga ayaa sababta ah waayo ninkii waxa la doonayaa in wada tashado oo ay isla socdaan laakiin wuxu doonayaa inuu sidii Hargeysa iyo Burco u noolaado oo u dhaqmo, dhaqaalihii reerka soo galayayna ama balwado ku isticmaal ama si kale ugu takrifalo.

Xagga hablaha wiilasha ka horumaray ama ka fiican, sababtu waxa weeye anigu in badan ayaan macalin ahaa. Inanku marka uu yaryahay wakhtigiisa wuxu ku lumiyaa waxyaabo waxbarashadiisa ka hor imanaya. Marka uu guul darraysto dugsiga wuu iskaga tagaa.  Markaa wadankeennii haddii ardaygu dhaco waxyaabo kale ayuu ka shaqeeyaa laakiin halkan waxkasta iskuul baa loo galayaa illaa nadiifinta dhulka. Markuu arko inuu aqoontii waxba ka dhigan waayay wuxu bilaabayaa inuu “Gangs” ka raaco ama kuwa daroogada iibiya.

Ta kale noloshu waa qaali maaha sida dalkeenna, shaadhka ayaa laba boqol oo dollar ah. Markaa dee ma hayo dhaqaale. Deedna waxa laga yaabaa  inuu tuugo yara galo oo mar iyo laba goor waxooga yari ku soo galo dariiqadaas khaldan  markaa jeel buu ku dambaynayaa.

Waxa kale oo sababaya midabkii oo lagu takoorayo “Racism” ah oo dagaal buu ku jiraa aanu isagu arkayn oo dadkii caddaanka ahaa ay la dagaalamayaan.

Dhibaatadan hablaha 80% ayaa ka badbaada waayo guryaha ayay iska joogaan oo wakhtigooda ayay iska ilaashanayaan oo wax akhrisanayaan. Markay wax soo barato dee waa tacab bacda raaxa markaas ayay noloshii iyadu guulaysanaysaa.

Waxa kale oo jirta raggii gabood fal badan ayay sameeyeen xaggii qoyska oo dayac badan ayaa jira. Dumarkii ayaa dadkii og oo carruurtii iyo dalkiiba waxtara, isagu waxa laga yaabaa inaanu hooyadiiba la socon, hadana laga yaabo ka caynkaas ahi qabyaalad ku foogayn yahay.

Dalkan Sweden, meelaha yar weeye dhibaatooyinkan xagga qoyska iyo gaar ahaan carruurta nolosha ka dhacaysa.  Waayo waa dal marka hore Jaalliyado la wada leeyahay oo Masaajiidda ayaa ku badan. Jaaliyadaha waa la kabaa oo way isu yimaadaan oo dhibaatooyinka ayaa laga wada hadlaa, waana wadan aanu dadkiisu badnayn oo dee London lix iyo toban malyuun ayaa maalintii usoo shaqataga.

SU’AAL14: Muddo dheer ayaad joogtay qurbaha, bal waxad ka warrantaa dhalinyarada ama dadka jooga dalka ee immika ku hammiyaya dhoof debadeed iyo nolol qurbe?

JAWAAB: Ninka halkan ka soo bilaabaya, horta marka ugu horraysaba ha ogaado in  lacagta uu ku soo tahriibayo aanu ka helaynin halkan. Waxa aan odhan lahaa lacagta aadku ku soo tahriibaaysaan intaad isku dardarsataan warshado yaryar ku furta. Waxan aan leeyahay waar bal eega inta Qurbajoog ahaa ee iskaga soo noqday oo waraysta iyaga. Dadkii idin ka horreeyay maxay qabteen? Maxay hayaan? Markaa macluumaad badan ayaad ka helaysaan ee dalkeenna Nimcaa fadhida ayaan leeyahay dadkaas ee maskaxda tuujiya oo ka shaqaysta, waxba ma yaallan halkane?

 

SU’AAL15: Muddo dheer ayaad joogtay dalka Sweden, shakhsi ahaan maxaa kuu qorshaysan iminka inaad yeesho mustaqbalka haddii Ale Idmo?  

JAWAAB: Dee horta imminka ayni ayaan ahaye laakiin haddii Alle yidhaaho waxa ii qorshaysan mar walba waa inaan dalkayga usii shaqeeyo meel aan joogaba.

SU’AAL16: Xuseen Wadaadyare, ugu dambayntii, maxaad talooyin usoo jeedinaysaa Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland, bulshada Somaliland guud ahaan, iyo Dawladda JSL ba ee adiga laftaadu aad ka tirsan tahay Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL?

Waxan usoo jeedinayaa ninkasta oo Qurbajoog ahi horta tiisa ha daryeelo, ha ku xigsiiyo caruurtiisa, ooridiisa iyo carruurtiisu sidii ay wax u noqon lahaayeen.  Intaa markuu ka soo baxo naftiisa iyo reerkiisa, markaa haw soo jeesto wixii kale ee uu tari karo dadkiisa kale iyo dalkiisa. Soomaalidu waxay tidhaahaa, “Tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara.” Qurbajooggu Somaliland ma wixii wanaag ah mise wixii xumaan ah? Wixii wanaagsan ha ku kordhiyaan dalkooda. Wadamada ay joogaan halla jaan qaadaan oo xisbiyada wadamad ay la joogaan ha ku biiraan. Halkaas ayuu ninka doonaya inuu dalkiisa wax taageero wax uga qaban karaa. Kuwa aannu ognahay ee lacagta u ururiya inay dab ku shidaan, horta marka hore waxa aan kula talin lahaa inay carruurtooda kexeeyaan oo ay geeyaan markaa ha ka hadlaan. Laakiin nin miskiin ah oo toban caruur ah la tacaalaya yaanay dab gelinin, kuwa dalka joogaana yaanay dhagaysan ee ha dhagaystaan ninka dantooda ka talinaya ee daacaadda ah.

Dawladda waxa aan odhanayaa indha indheer haw lahaato dadkeeda oo waa inay dadka kala saraan, kuwa waxtaraya iyo kuwa aan waxba tarayn.  Wadanka mucaarad iyo muxaafadbadba Madaxweynaha ayaa u hoggaamiye ah oo u taliya, isagu waa inuu markaa isku wadaa dadka oo dhan dhammaantood. Midh midhka yar ee meelahaa waxka sheegaya waxa ka badan inta Madaxweynaha taageersan ee nabadgelyada taageersan. Dawladda JSL oo aniga laftaydu aan ka mid ahay waa inay ka shaqeeyaan sidii wadanka loo horumarin lahaa ayaan leeyahay.

 

DHAMMAAD

 

Ujeedada Waraysigani waxay la xidhiidhaa wacyigelinta Qurbajoogga Somaliland, waxana loo qaadaa waraysiyada noocan ah oo lagu daabacaa Majaladda Qurbajoog taasoo ay si seddex biloodle ah u daabacdo Waaxda Qorshaynta & Cilmibaadhista ee Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo maamulkeedu hoos yimaado

Wasaaradda Arrimaha Debada & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

. Hargeysa, Jamhuuriyadda Somailand



Leave a Reply