Agaasimaha waaxda Qurbajoogga oo kulan la yeeshay wefti maalgashadayaal ah oo reer Finland ah

Agaasimaha waaxda Qurbajoogga ee wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee jamhuuriyadda Somaliland Mudane Sacad Maxame Cabdi ayaa xalay 03 feb, 2020 kulan casho sharfeed ah u sameeyey wefti maalgashadayaal reer Finland ah oo dalka ujooga sidii ay uga aasaasi lahaayeen wershadda kalluunka iyo qaar kamida Qurbajooggga somaliland gaar ahaan  Jaaliyadda reer Canada , kulankan oo ay agaasimaha, xubnaha qurbajoogga ah iyo weftigu si hufan isugu xogwaraysteen ayaa agaasimahu wuxu usoo bandhigay nabadda iyo xasiloonida ka jirta dalka isaga oo tusaale usoo qaatay in shirkado badan oo heer caalami ahi ay hantidooda ku aamineen Somaliland isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ” Somaliland ma aha markii ugu horeysey ee dad ajaanib ah ama shirkado waaweyni ku samaysanayan maalgashi waxa jira shirkado fara badan oo dalkan hantidoodii ku aaminay kana faaidey, waayo waa dal nabad ah waa meel ku haboon in la maalgashado marka loo eego sida suuq wanaagsan looga heli karo gudaha iyo wadamada jaarka ahba, Dhanka kale somaliland waa dal aan dunida laga qoonsanayn sidaa daraadeed weftigiinan waxaanu idinka codsanaynaa in aad dunida gaar ahaan dalkiina nooga noqotaan safiiro (Ambassadors) si aad u gaadhsiisaan qadiyada somaliland iyo nabada iyo horumarka aad indhihiina ku aragteen.” Sacad maxame Cabdi agaasimaha waaxda Qurbajoogga.



Leave a Reply