Kulan lagaga arrinsanayay qaban-qaabada Shirweynaha Maalgashiga Qurbajoogga Somaliland

Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku qabtay Hudheelka Maansoor kulan wadatashi ku saabsanaa qaban-qaabada iyo qabashada shir ballaadhan oo lagaga wada hadli doono dhiirrigelinta maalgashiga Qurbajoogga Somaliland ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa ka soo qaybgalay kulanka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, xubno ka mid ah ganacsatada qurbaha ka soo noqday ee maalgashaday dalkooda hooyo, qaarka mid ah hay’adaha caawiya ganacsatada  iyo waxsoosaarka ee ka hawllgala Somaliland sida OXFAM, SPARK iyo sidoo kale qaarka mid ah ururada iyo hay’adaha ay xirfadleyaasha Qurbajooggu hoggaamiyaan sida Micro and Small Business Center (MSBC), British House, Holland House, xubno ka mid ah Qurbajoogga Somaliland ee dalka sugan iyo weliba saraakiil kale oo Qurbajoog iyo Qolqol joog isugu jiray.

Waxaa lagu gorfeeyay kulanka caqabadaha kala duwan ee ay waajahaan bulshada Qurbajoogga ah iyo ganacsatada kaleba ee dalka maalgashanaya gaar ahaan dhinacyada adeeg bixinta,  sharciyadda, cashuuraha iwm iyo qodobada muhiimka ah ee arrimahan khuseeya ee lagu falayn doono Shirweynaha Maalgashiga Qurbajoogga Somaliland oo lagu kulmin doono wasaaradaha hormuudka ah ee qaabilsan maaliyadda, maalgashiga, ganacsiga, waxsoosaarka, hawlaha guud, arrimaha bulshada, dhinaca kale hay’adaha caawiya caawiga ganacsiga iyo maalgashiga oo dhinac ah iyo bulshada gancsatada qurbaha ka soo noqday ee maalgashaday dalkooda.

Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Sacad Maxamed Cabdi oo kulanka furay ayaa u mahad celiyay kasoo qaybgalayaasha, isla markaana iftiimiyay ujeedooyinka kulanka loo qabtay.

“Marka hore waxaan idiinka mahad celinayaa martiqaadka aad soo ajiibteen iyo wakhtigiinna qaaliga ah ee maanta ee aad noo hurteen si aan uga wada tashanno danaha horumarka wadankeenna Somaliland. Waxaannu todobaadkii hore qabannay kulan kan ka horreeyay oo aannu isugu yeedhnay wasaarado kala duwan iyo xubno ka mid ah bulshada ganacsatada Qurbajoogga ah, kulankaas lagaga hadlay caqabadaha jira ee u baahan in la xalliyo si wadada loogu xaadho maalgashi badan oo Qurbajooggu dalka ku samayn karaan, waxaanan ku wargelinnay wasaaradihii nagala soo qaybgalay ajandayaasha diirradda lagu saarayo shirka maalgashiga Qurbajoogga ee ay innagala soo qaybgeli doonaan. Shirkeenna maantana oo ay dhawr hay’adood innagala soo qaybgaleen wuxuu daaran yahay uun u diyaargarawga shirkaas,” Sacad Maxamed Cabdi.

Waxaa lagaga hadlay kulankan sida loogu baahan yahay in la xoojiyo wada shaqaynta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee dhinacyada dhiirrigelinta  ganacsiga, maalgashiga iyo waxsoosaarka dalka, waxaana la tilmaamay inay caqabadaha ugu waaweyni ka jiraan xagga liisamada aan weli la midayn, cashuuraha aan u kala xadaysnayn dawladda dhexe iyo dawladda hoose iyo adeeg bixinta dawladda hoose ee caasimadda oo halka ugu liidatada ah, arrimahaas oo saamayn taban ku leh habsami u socodka hawlaha ganacsiga iyo maalgashiga Qurbajoogga Somaliland ee dalkooda.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Barkhad ayaa warbixiyay hawlo badan oo wasaaradda uga qabsoomay dhinaca sharciyadda ganacsiga iyo siyaasadaha la xidhiidha, waxaanu usoo bandhigay kulanka Siyaasadda Wadadhada, Ganacsatada Yaryar & kuwa Dhexe ee Somaliland. Waxaa kale oo uu ka warbixiyay in haatan la dhamaystiray Xeerka Liisamada oo dhawaan laga bixi doono caqabadaha jira ee xagga awoodda sharci ee bixinta liisamada kuwaasoo dhammaantood ay bixin doonto Wasaaradda Ganacsiga oo kaliyi, halka ay wasaaradaha kala duwan bixin doonaan uun ruqsadaha ganacsiyada qaarkood.

Waxaa sidoo kale lagu soo qaaday kulanka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda JSL ee laga samayn doono Guddi Hawleedka Ka-Tashiga Arrimaha Qurbajoogga kaasoo noqon doono mid isuduwideed heer qaran ah oo waxbadan ka tara fulinta siyaasadda iyo qorshayaasha ku wajahan arrimaha Qurbajoogga Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *