Kulan Wadatashi ku Saabsan Maalgashiga Qurbajoogga Somaliland ee Dalka JSL

Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa soo qaban qaabiyay kulan wadatashi ku saabsan dhiirrigelinta maalgashiga qurbajoogga dalka JSL iyo xoojinta hannaanka ka wada shaqaynta iyo isuduwidda arrimaha qurbajoogga iyo xidhiidhka jaalliyadaha ee wasaaradaha/hay’adaha dawladda dhexe JSL.

Kulankan oo lagu qabtay Hudheelka ASSOD ee Hargeysa, isla markaana uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Cabdinaasir Jaamac Nuur (Naakhuude) ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasaaradaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Horumarinta Maaliyadda, Horumarinta Maalgashiga, Qorshaynta Qaranka & Horumarinta Qaranka, Arrimaha Gudaha iyo Rugta Ganacsiga Somaliland iyo sidoo kale metelayaal ka socday ganacsatada maalgashaday dalka ee qurbaha ka soo noqday.

Ujeedada loo qabtay kulankan ayaa salaysnaa wadatashi laga yeesho hirgelinta qorshayaasha mudnaanta leh ee Xafiiska Qurbajoogga iyo Wasaaraddaba uga yaalla xagga arrimaha qurbajoogga iyo xidhiidhka jaalliyadaha Somaliland. Wuxuu kulankani gogol xaadh u ahaa qabsoomidda shirar iyo kulamo wadatashiyo ballaadhan oo ku aadan kor u qaadista heerka maalgashiga qurbajoogga ee dalka, aas’aaska Guddi Hawleed heer qaran ah (Formation of Intern-ministerial Task Force for Diaspora Engagement at the national level) oo waxka tari doonaa fulinta siyaasadda iyo qorshayaasha istaraatiijiyadeed ku wajahan arrimaha qurbajoogga iyo xoojinta xidhiidhka jaalliyadaha Somaliland guud ahaan.

Xubnaha metelayay bulshada qurbajoogga ah ee dalka maalgashaday ee ka hadlay kulanka ayaa soo bandhigay inay jiraan caqabado badan oo ka haysta ganacsatada xagga adeeg bixinta xarumaha dawladda qaarkood,, nidaamka cashuuraha iyo kala xadaysnayn la’aanta cashuur qaadista dawladaha hoose iyo dawladda dhexe iyo inaanay inta badan helin talooyin, taageerooyin farsamo iyo tababarro xilliyada ay bilaabayaan maalgashiga iyo marka ay furan ba taasoo sababta inay ganacsiyo badani si degdeg ah u kacaan.

Waxaa ka hadlay kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ammuuraha Debadda  Dr. Cabdinaasir Jaamac Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Mudane Axmed Cabdi Ismaaciil iyo Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogga Sacad Maxamed kuwaasoo dhammaantood bogaadiyay doorka waxku oolka ah ee qurbajoogga Somaliland ku leeyihiin dalka xagga xawaaladda iyo maalgashiga ganacsiga suuqa xorta ah ee ka jira dalka.  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Naakhuude ayaa tilmaamay in qurbajoogga Somaliland kaalin weyn ka qaadan karaan hiraalka, himilooyinka iyo horumarka uu dalka JSL hiigsanayo haddii ay dadaalaan isagoo tusaalayaal usoo qaatay wadamo kala duwan oo qurbajooggoodu u sabab yihiin horumarka weyn iyo horyaalnimada ay dhinacyo kala duwan ka gaadheen.

“Hindiya oo  dadkeedu u badan yahay sabool, waxay hadana qurbajooggoodu ugu sabab noqdeen inay horumar ka gaadhaan tiknoolajiyadda, ikhtiraac badan iyo inay yeeshaan hubka nukliyeerka, waxaana jira wadamo badan oo qurbajooggoodu horumar dhaqaale iyo mid aqooneed ba gaadhsiiyeen, kuweenuna kama laalaadaan ee waxaa loo baahan yahay dadaal badan iyo in la mideeyo muruqa iyo maskaxda, wadamada Afrika laftooda qaar badan ayaan waxka baran karraa xagga siyaasadda qurbajoogga, sida loogu adeego iyo siyaabaha looga faa’iidaysto doorka qurbajoogga,” ”Naakhuude.

Agaasimaha Guud wuxuu sidoo kale xusay inay dawladdu ku dadaalayso in al sii xoojiyo xidhiidhka jaalliyadaha, adeeg bixinta ku aadan qurbajoogga iyo dardargelinta siyaabaha uu dalku uga faa’iidaysan karo kartiyaha iyo khayraadka ku duugan bulshada qurbajoogga u dhashay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee dunida ku baahsan.

“Waxaan ku dadaalaynaa inaan gaadhno qofkasta oo qurbajoog ah meel uu ka joogaba daafaha dunida oo aan xoojinno xidhiidhka, isku xidhnaanshaha, wada shaqaynta iyo iskaashiga xidhiidhka jaalliyadaha Somaliland. Wuxuu kulankani  bilaw u yahay wadatashiga dhamaystirka siyaasadda qurbajoogga qaranka oo waaxda qurbajooggu u xilsaaran tahay. Waxaanan dhisi doonnaa guddi hawleed farsamo ka kooban wasaarado kala duwan iyo dhawr hay’adood oo dawli ah kuwaasoo noqon doonaa nidaam isuduwid habboon oo aan ku waajahno arrimaha qurbajoogga Somaliland,” Naakhuude.

Agaasime Naakhuude waxaa kale oo uu tilmaamay in qurbajooggu yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah oo wadamo shisheeye rarku kaga dhacay, caqabado badan la kulmaya, duruufo badani ku gedaaman yihiin, isla markaana u baahan xidhiidhka dalkooda iyo inay usoo gurya noqdaan ciidda hooyo taasina ay u baahan tahay in la tayeeyo u adeegista qurbajoogga, xidhiidhka iyo ka wada shaqaynta arrimaha khuseeya bulshada qurbajoogga ah heerkastaba hay’adaha dawladda Somaliland.

Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogga, Mudane Sacad Maxamed Cabdi, iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa ka warramay ujeedooyinka loo qabanayo gaar ahaan shir khseeya horumarinta ganacsiga & maalgashiga (Business Forum) dhawaan kaasoo noqon doonaa madal lagu kulmiyo ganacsato qurbajoog ah oo maalgashaday dalka aagag kala duwan iyo sidoo kale madaxda ka socota wasaasarado kala duwan si looga arrinsado kor u qaadista heerka maalgashiga dalka ee bulshada qurbajoogga ah, isla markaana la maareeyo wixii caqabado ku ah dhinac walba. Gaar ahaan Agaasime Sacad wuxuu magac dhabay wasaarado kala duwan oo uu sheegay inay door firfircoon ku yeelan doonaan shirka, kana jawaabi doonaan su’aalo badan oo kagaga imanaya bulshada qurbajoogga ah.

Dhinaca kale, Agaasimayaal waaxeedyada ka socday Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa hadlay kulanka, isla markaana soo dhaweeyay soo jeedimaha Wasaaradda Arrimaha Debadda ee xagga wada shaqaynta guud. Gaar ahaan, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegay in hawlo badani qabsoomeen xagga samaynta shuruucda iyo xeerarka ganacsiga iyo liisamada balse laga yaabo inaanay dad badani ka war haynin. Waxaanu xusay in adeegga daaqadda kaliya ah (One stop shop) ee diiwaangelinta iyo liisan bixintu waxbadan u fududeeyay bulshada oo ay wakhti gaaban ku qaadato qofka inuu qaato liisanka. Wuxuu sidoo kale Agaasime Barkhad sheegay inuu haatan diyaar ah Xogsidaha Ganacsiga ah oo noqonaya nidaam elaktaroonik ah oo uu qofku isagoo gurigiisa iyo meheradiisa jooga ogaanayo dhammaan xogta, shuruudaha iyo macluumaadka ku saabsan diiwaangelinta iyo bixinta shatiyada ganacsiga noocyadiisa kala duwan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *