WAR SAXAAFADEED – “AQOONSI IYO AAYATIIN WACAN 2022” –

Xafiiska Qurbajoogga Somalilanc ee  Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaaashiga Caalamiga wuxuu marka hore uga mahad celinayaa jaalliyadaha qurbajoogga Somaliland ee wadamada caalamka dadadaalka wadaniyadda iyo walaalnimada leh ee ay kaga qaybqaadanayaan Tabarucaadka Gurmadka Taakulaynta Suuqa Waaheen ee masiibada dabku ku habsatay, waana mid aan ku boorriinayno muwaadiniinta qurbajoogga ah ee daafaha dunida inay sii wadaan dadaalkooda dhaqaale u ururinta dib u dhiska Suuqa Waaheen oo ahaa xaruntii dhaqaalaha dalka  iyo taakulaynta dadka tirada badan ee khasaaruhu ka soo gaadhay ba.

 

Waxaannu sidoo kale  uga mahad celinaynaa, ku bogaadinaynaa, kuna aaminaynaa Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee wadamada badankooda ee iyagu isku mar waday illaa bishii Ramadaan ururinta Tabarucaadka Gurmadka Taakulaynta SuuqaWaaheen iyo qaban-qaabada hawlaha u diyaar garawga Xuska Sannad Guuraada 31aad, 18 May 2022  ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida JSL.

 

 

Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  wuxuu baaqayaa dhammaan Guddiyada iyo Ururada Bulshooyinka Jaalliyadaha Somaliland, Isku Xidhyada, Mutadawaciinta Firfircoon iyo guud ahaan Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland  ee wadamada caalamka iyo  Guddiyada Ururada Ardayda Somaliland ee dalalka debada ba in si midaysan  qaranimo iyo xamaasad wadaninimo leh  loo qabto Xuska Sannadka Guuraada 31aad ee dib ula soo noqoshada Qaranimada JSL 18 May 2022 ee foodda innagu haya oo sannadkan halku-dheggiisa loo qaatay “Aqoonsi iyo Aayatiin Wacan” (Statehood recognition & prosperity) si waafaqsan Tilmaamaha Guddida heer qaran gaar ahaan qodobada khuseeya Qurbajoogga Somaliland iyo Munaasabadah Xuska ee wadamada debadda.

 

Sida uu ka turjumayo halku-dhegga sannadkani waxaanNU ku dhiirrigelinaynaa Qurbajoogga Jaalliyaha Somaliland inaan si weyn uga faa’iidaysanno fursadda xuskan kor u qaadista dadaalkeenna aqoonsi raadinta, doonista shacabka iyo himillada qaran madaxbannaan.

 

Ka sokow abaartii soo martay dalka ee Ilaahay immika innaga soo jabiyay iyo gubashada Suuqa Waaheen, wuxuu ku soo beegmayaa xuskani sannad aan qaran ahaan guulo badan gaadhnay xagga siyaasadda arrimaha debadda, dimuqraadiyadda, dhismaha kaabayaasha iyo adeegyada bulshada, horumarinta shuruucda, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dhinacyo kaleba illaa May 2021.

 

 

Hambalyo Xuska 18 May 2022

 

__________________

Sacad Maxamed Cabdi

Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogga

 

GUIDE TO NATIONAL DAYS CELEBRATIONS ABROAD

 

TILMAAMAHA QORSHAHA XUSKA 18 MAY EE WADAMADA DEBADDA 2022

 

QABASHADA XUSKA XUSKA 18 MAY 2022 EE DEBADDA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *