Xafiiska Qurba-Joogga oo Hambalyo U Diray Jaaliyada JSL Munaasabadda Curashada Sanadka 2021.

Hambalyo, Muwaadiniinta Qurbajoogga Somaliland Sannadka Cusub 2021.
Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Sacad Maxamed Cabdi wuxu curashada sannadka cusub 2021 awgeed, hambalyo u dirayaa dhammaan shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan bulshooyinka jaalliyadaha qurbajoogga Somaliland ee ku baahsan daafaha dunida.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Xafiiska Qurbajoogga, waxaan hambalyo u dirayaa guuud ahaan shacbiweynaha Somaliland, si gaar ahna waxan u hambalyaynayaa Jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka curashada sannadka cusub 2021. Aad baan ugu bogaadinayaa Qurbajoogga Somaliland doorkii wadaniyadda, walaalnimada iyo waxtarka lahaa ee ay ka gaysanayeen Dalkooda JSL sannadka aan sagootiyayno ee 2020, waxanan u rajaynayaa in Rabbi ku nabadgeliyo meel ay joogaan ba muwaadiniinta Qurbajoogga Somaliland daafaha caalamka. Waxan si la mid ah hambalyo gaadhsiinayaa dhammaan Danjirayaasha Somaliland ku metelaya Qaranka JSL wadamada kala duwan iyo xaasaskooda.”
“Waxa Ilaahay ka baryayaa inuu sannadka cusub 2021 innooga dhigo mid khayr badan, bash bash iyo barwaaqo innoola bisha, guul, horumar iyo ictiraaf buuxa aynu ku gaadhno sannadka sannadkiisa Insha Allah.”
HAMBALYO 2021
Sannad Wacan oo Wanaagsan Insha Allah
Sacad Maxamed Cabdi
Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogga
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *