Xafiiska Qurbajoogga oo hambalyo u diray Jaalliyadaha Somaliland Xuska Sannadguurada 30ad ee 18-May 2021

Agaasimaha Waaxda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Sacad Maxamed Cabdi  ayaa dhambaal hambalyo ah u diraya dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee ku dhaqan daafaha caalamka Xuska Munaasibadda Qaran ee Sannad-Guurada 30aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL 18 May 1991.
“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan hawlwadeennada Xafiiska iyo ka Qurbajoogga Somaliland, waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Jaalliyadaha iyo Qurbajoogga Somaliland ee ku dhaqan daafaha caalamka, dalkasta oo ay joogaanba, Xuska Sannad-Guurada 30aad ee ka soo wareegtay markii ay bulshada Somaliland dib ula soo noqdeen qaranimadooda 18 May 1991.  Waxa aan ku bogaadinayaa Jaalliyadaha Somaliland kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan oogista xusaska maalmaha qaran ee dalkooda sannad walba meelkasta oo ay dunida ka joogaan. 18 May iyo 26 June waa laba xus qarameed oo dastuuri ah, qayb weyn ka ah taariikhda dalkeennu leeyahay  oo kala ah markii aan xorriyadda ka qaadannay Boqortooyadii Britain iyo Ireland 26 June 1960, iyo markii aan  dib ula soo noqonnay qaranimadii luntay 18 May 1991. Waxay gaar qurbaha tani ahmiyad weyn usii leedahay carruurta qurbaha ku dhalatay inay bartaaan dalkooda iyo taariikhda ay is u leeyihii”
“Maadaama aanay inta badan dalalka caalamka suurtagal ahayn qabashada munaasibadihii xuska, kulamadii, xafladihii dhaqanka, iyo isu soo baxyadii ay Jaalliyaduhu ku oogayeen xuska sannadkan xaaladda jirta ee Safmarka ah Covid-19 awgeed, waxa aan ugu baaqayayaa Qurbajoogga Somaliland inay ugu debbaal degaan Xuska 18 May 2021 inaad ku waynaysaan  qiimaha ay innoogu fadhido maalintani isticmaalka warbaahinta kala duwan oo aan adeegsanno, calamada iyo astaamaha qaranka oo aan sudhno guryaheenna, iyo inaan kaga qaybgallo taageero dhaqaale  loo fidiyo dadaallada la dagaalanka Covid-19 iyo saamayntiisa.  Sidoo kale, waxa aan aad iyo aad u dhiirrigelinayaa qaabkasta iyo xaddi kasta oo dhaqaale ururin iyo tabarucaad ah oo ay samafalayaasha Qurbajoogga iyo Jaalliyadaha Somaliland iyo iskaashigooda dhinacyada kaleba ay taageero dhaqaale maaliyadeed, mid alaabeed ama qalab iyo noockastaba ay ku soo caawin karaan dalkooda.
“SODDON GUURIYO GUUL”

HAMBALYO XUSKA 18 MAY 2021
Xafiiska Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland
18 May 202

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *