Xafiiska Qurbajoogga Somaliland wuxuu hambalyo u dirayaa bulshada aragga ka naafada ah ee Somaliland oo maanta xusay maalinta caalamiga ah ee Wacyigelinta USHA CAD

Ujeedada Xuskan ayaa ahayd in lagu wacyigeliyo qaybaha bulshada Somaliland ahmiyadda ay u leedahay ushani dadka aragga ka naafadaha oo aanay kaliya ka caawin socodka ee sidoo kale ay u tahay astaan lagu garto oo ay darawaliinta gaadiidka iyo dadka kaleba ku aqoonsadaan, una sahasha markaa in la caawiyo. Waxaa xusidan in Wasaaradda Shaqada,Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL kaga dhawaaqday madasha inuu miiska saaran yahay Xeerkii Naafada Somaliland, isla markaana dib u eegis lagu samaynayo Siyaasadda Naafada Qaranka JSL.
USHA CADI waxa ay ka midtahay qalabka ama adeegyada ugu muhiimsan ee qofka Araga Naafada ka ahi ama aragiiisu hooseeyaa uu isticmaalo, ku socdo, iskaga eego ama uu ku ogaado dhulka iyo waxyaabaha ku xeeran si uu khatar u dhaw sida god ama bohol, dhisme, iyo waxyaabo la mid ah oo haddii  aanu ka joogsan ama ka baydhin halis gelin kara naftiisa.
USHA CAD oo sidoo kale loo yaqaanno Usha Badbaadada ama Nabadgelyada ee Indhoolaha, waa Astaanta lagu garto qofka Aragga ka Naafada ah marka uu debadda lugaynayo, waddo ka tallaabayo, ama meel kale u socdo ama uu gelayo xarumaha adeegga taasoo ay gaadiidlayda, dadka socotada ah iyo hawlwadeennada xarumaha adeegga bulshaduba ku aqoonsadaan, waxanay u sahashaa in la caawiyo, laga badbaadsho dhibaato soo gaadhi lahayd, ama loo fidiyo gargaar iyo/ama adeeg. Blind people rely on the WHITE CANE for safety and independence.

Xafiiska Qurbajooggu wuxuu ku dhawaaqay 2018kii Barnaamijka Rajo Gelinta Naafada ee Doorka Qurbajoogga (Diaspora Help Disable Hope) kaasoo ujeedadiisu tahay in bulshooyinka jaalliyadaha Somaliland ee jooga wadamada ka horumaray baahiyahan ka soo caawiyaan indhoolayaasha Somaliland qalabka aas’aasiga ah ee Usha-cadi ka mid tahay, waxaa kale ujeedada barnaamijkan ka mid ah in kor loo qaado heerka wacyiga bulshada qurbajoogga iyo qaranjoogga ba ee xagga dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Halku dhegyada barnaamijkan  waxaa sidoo kale ka mid ah “Qur’aanka Bareelka ah” (Holly Braille) oo ah inay qurbajooggu uga keenaan gaar ahaan wadamada islaamka ah Kutubta Qur’aanka ah ee ku qoran farta bareelka iyo sidoo kale halku dhegga “Hadiyadda Dalka Hooyo ” (Take Home Gift) oo daaran in qofkasta oo qurbajoog ahi marka uu dalka hooyo imanayo jeebkiisa ka soo iibiyo hal shay oo jaban oo fudud oo shandadiisu qaadi karto sida ushan cad, shabagga iyo qalinka/mudaca far barashada indhoolaha (Slate/sylus), daabace (Embosser) iwm ee khuseeya dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Xafiisku wuxuu aaminsan yahay in habkan lagu dabooli karo baahi weyn, lana samayn karo xarun lagu ururiyo oo laga heli karo noocyo badan oo kala duwan qalabka loo yaqaanno caawiyayaasha (Assistive devices) ee bulshada aragga ka naafada ahi u baahan yihiin xagga socodka, waxbarashada, isgaadhsiinta iyo xidhiidhka bulshada, shaqada, baahiyaha guriga iwm.

Xafiiska Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *